Guddoomiyaha Aqalka Sare oo la kulmay Madaxweynaha Jubbaland * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo la kulmay Madaxweynaha Jubbaland

Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdillaahi ayaa kula kulmay magaalada Muqdisho Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam.

Kulankan ayaa Labada mas’uul ayaa waxaa ay ugaga wada hadleen sidii loo dardar galin lahaa dadaalada loogu jiro qabsoomida Doorashooyinka Baarlamaanka iyo iyo tan Madaxweynaha.

Guddoomiyaha Aqalka Sare ayaa uga mahad celiyay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam dadaalada uu gelinayo sidii dalkaan uga dhici laheyd dooraso oo dhan yahay.

Madaxweynaha Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa waxaa uu ka mid yahay madaxda maamul goboleedyada ee u jooga magaalada Muqdisho kulanka Golaha wadatashiga doorashooyinka.

Muqdisho-Somalia

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Mareeg.com somalia, World News and Opinion.