Guddiyada Joogtaha Ee Baarlamanka Soomaaliya Oo Ka Shiray Afar Qodob Oo Muhiim Ah

Read Time:50 Second

Muqdisho, Mareeg.com: Guddiyada joogtada ah ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa manta kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho, iyagoo kulankaas uga hadlay 4 qodob oo muhiim ah.

Kulankan maanta ay isgu yimaadeen xubno ka kalasocday 16-ka gudi waxaa shir guddoominayay gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan “Jawaari” kaasi oo maanta ka dhacay xaruunta golaha shacabka ee magaalada Muqdisho.

Ajandayaasha looga hadlayay kulanka oo mudo saacado ah qaatay ayaa ahaa ilaa afar qodob oo kala ahaa waqtiga ugu haboon ee Ra’iisul wasaaraha cusub la horkeeni karo baarlamaanka Soomaaliya, dhamaystirka howlaha horyaala baarlamaanka ee ah kalfadhigii sedexeed ee 2013, hiigsiga sanadka 2014 iyo ansixinta miisaaniyadda sanadka cusub.

Kulanka kadib ayaa waxaa warbaahinta qaranka lahadlay xoghayaha joogtada ah ee baarlamaanka Soomaaliya C/kariin Xaaji Aadan Buux oo ka warbiyay kulankooda, wuxuuna xusay in laga wada hadlay qodobo ay ka mid ahaayeen waxa uu barlaamka qabanayo ilaa dhamadka sanadka 2014, kalfadhiga sedexaad ee baarlamaanka, muddeynta ansixinta xukuumadda cusub, Ansixinta miisaaniyadda sanadka 2014-ka iyo Dhameystirka hindise sharciyeedka golaha horyaala.

Mareeg.com

About Post Author

A warsame

Published by senior editor and managing Director of Mareeg Media Mr A Warsame Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %