Guddiyada doorashooyinka oo la filayo in maanta la xareeyo

Read Time:54 Second

Maanta oo Khamiis ah ayaa waxaa uu qorshu yahay in dowladda federaalka soomaaliya ay xareyso guddiga doorashooyinka heer federaaal, heer dowlad goboleed iyo guddiga xalinta khilaafaadka.

Guddigan ayaa ka kala socda maamul goboleedyada dalka ka jira iyo dowlada federaalka, waxaana maanta u furmaya tababar socon doono muddo afar maalmood, kaasi oo ku eg 27 bishan.

Guddigan ayaa shaqadooda ah diyaarinta soo xulista odayaasha soo dooran doono xildhibaanadda soo socda iyo xalinta Khilaafkii soo kordha inta lagu guda jiro howsha loo xilsaaray.

Sababta ugu weyn ee maanta loo xareyn waayay ayaa ah in qaarkood ay ku maqan yihiin wadamada deriska iyo maamul goboleedyada halka kuwa kale ay ku jiraan adatashi.

Ra’iisul Wasaaraha xukumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa shir ku casuumay madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka, kaasi oo ka dhici doono magaalada Muqdisho.

Shirkan ayaa waxaa la isaga wareysan doonaa howlihii ka qabsoomay arrimaha doorashooyinka tan iyo heshiiskii 27-kii May iyo dardar gelinta shaqooyinka harsan.

Qorshaha shirka ayaa ah inuu dhaco maalinta sabtiga ah, iyadoona shirka lagu falanqeyn doono sida ugu wanaagsan ay ku dhici karaan doorashooyinka.

Muqdisho-Somalia

About Post Author

Tuuryare

Abdirisaq is , a somali veteran journalist based in the Somali capital, Mogadishu. Twitter @tuuryare_africa tuuryare10@gmail.com Whatup:00252615990842
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.