Guddiyada doorashooyinka ee heer Qaran & heer gobol oo laga saarayo Siyaasiyiinta * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Guddiyada doorashooyinka ee heer Qaran & heer gobol oo laga saarayo Siyaasiyiinta

Madaxweynaha Somalia Xasan Shiikh Maxamuud ayaa sheegay madaxda dalku ay si adag uga hadlayaan wax kasta oo fududeyn kara doorashadan taariikhiga ah ee dalka ka dhacaysa bisha August.

Xasan Shiikh ayaa hadalkan ka sheegay kulan maanta Baydhabo ku dhexmaray hogaamiyeyaasha madasha wada tashiga iyo wakiilada beesha caalamka u jooga Somalia.

“Doorashadan muhiim ayay u tahay dhismaha Soomaaliyada cusub ee dimoqaadiga ah. Sidaa darteed waxa lagama maarmaan ah inaan wax walba oo fiican u hurno. guddiyada doorashada ee heer gobol iyo heer federal, waxaan isku raacney in siyaasiyiinta laga reebo, hawlahaasina loo daayo guddiyo farsamo si aan u kasbano kalsoonida shacabka, una abuurno xaalad horseedi karta doorashooyin xalaal iyo xor ah oo dalka ka dhaca. Waxaa dhammaanteen naga go’an in doorashada ay qabsoonto waqtiga loogu talagaley’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Waxaa sidoo kale uu Madaxweynaha xusay in xoogga la saari doono sidii haweenka ay u heli lahaayeen qoondada 30% ee lagu heshiiyey in laga siiyo goleyaasha qaranka, isagoo haweenka ku booriyay inay ka shaqeeyaan inaanay farahooda ka bixin 14% kuraasta ay haatan ku leeyihiin Baarlamaanka, 16% ee ka dhimanna ay u ololeeyaan sidii ay ku heli lahaayeen.

Hadalka Madaxweynaha ayaa ku soo aadaya xilli xubno badan oo siyaasiyiin ah isuguna jira wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan dowlada ay ku jiraan guddiga doorashooyinka heer Qaran ee dhowaan uu magacaabay Madaxweynaha

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!