Waqtiga R/wasaare C/weli Baarlamanka Horgeynayo Liiska Iyo Qorshaha Xukuumadda Oo La Shaaciyey

Muqdisho – Mareeg.com: Guddiyada Joogtada ah ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan ay ku yeesheen Muqdisho ku go’aamiyeen in xukuumadda cusub baarlamaanka la horkeeno maalinta berri ah ee ku began 20-ka Janaayo 2014.

Kulankaan oo ka dhacay xafiiska guddoonka baarlamaanka ee Villa Hargeysa, islamarkaana uu shir-guddoominayay Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, uuna goob joog ka ahaa kuxigeenka labaad ee baarlamaanak Mahad Cabdalla Cawad ayaa waxaa soo xaadiray dhamaan guddoomiyeyaasha gudiyada joogtada ah ee baarlamaanka.

Waxyaabaha kulanka maanta looga hadlay ayaa ahaa labo ajande oo kala ah iswaafajinta gudiyada joogtada baarlamaanka iyo wasaaradaha ee uu dhawaan uu soo dhisay R/wasaare C/weli Sheekh Axmed iyo mudeynta waqtiga xildhibaannada la horkeenayo barnaamijka Xukuumadda cusub iyo maalinta uu baarlamaanka hor imaanayo R/wasaaraha ee ku aadan khudbada barnaamijka Xukuumaddiisa.

Xoghayaha guud ee baarlamaanka C/kariin Xaaji Cabdi Buux oo la hadlay warbaahinta kulanka kaddib ayaa sheegay in gudiyada joogta ah ee baarlamaanka kulankoodii maanta ay ku go’aamiyeen in R/wasaaraha uu maalinta berito ah horkeeno barnaamijka Xukuumadda cusub ee uu soo dhisay, isagoo xusay in mudanayaasha ay soo akhrisan doonaan muddo 24 saac ah.

“Waxaa la go’aamiyay in maalinta berito la horkeeno liiska Xubnaha Xukuumadda si ay u soo akhristaan Xildhibaannada maalinta xigta ee Talaadada waxaa baarlamaanka hor imaan doono R/wasaaraha si uu u sharxo barnaamijka Xukuumadda cusub ee uu soo dhisay dhawaan” ayuu yiri C/kariin Xaaji Cabdi Buux.

Dhawaan ayay aheyd markii Raysul wasaare C/weli Sheekh Axmed uu ku dhawaaqay liiska xukuumadda cusub oo ka kooban 55 xubnood.

Mareeg.com

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245