Guddiga Qaran oo Abaaraha oo ka dhacay Muqdisho

Read Time:1 Minute, 2 Second

Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cumar Carte oo isbuucii hore loo magacaabay Guddoomiyaha Guddiga Madax banaan ee heer Qaran ee Abaaraha ayaa shirkii koowaad ee guddiga guddoomiyay.

Mr Carte oo warbixino ku saabsanaa saameeynta abaaraha ka dhageystay Wasiirada dawlad goboleedyada ee ka mid ka ah guddiga ayaa qeybaha kala duwan ee bulshada ku baraarujiyay in ay ka qeybgalaan caawinta dadka ay waxyeeleysay abaaraha.

“Waxa aan baaq u dirayaa dhamaan dadka Soomaaliyeed ee jooga dalka gudihiisa iyo dibadiisa oo aan ugu yeerayo in ay caawiyaan dadkeenna Soomaaliyeed ee ay sida daran u saameeyeen abaaruhu, dhamaanteen waa in aan si deg-deg ah u qaadno talaabooyin midho-dhal ah oo aan uga gudubno xaaladda adag oo kumanaan Soomaali ah ku suganyihiin’’.

Maxamed Cumar Carteh ayaa warfidiyeenada u sheegay in guddigu uu diyaarin doono hal qorshe oo ay kuwada howlgali doonaan qeybaha kala duwan ee gacan ka geysan doona gargaarkan.

“Waxa aan rabnaa gargaarkan in uu yeesho hal qorshe si aanay u dhicin in siyaabo kala duwan loo howlgalo; shirkadaha waa-weyn, ganacsatada, bulshada rayidka, iyo hay’adaha caalamiga ah waxa aan ku boorineynaa in ay doorkooda ka qaataan gargaarkan’’.

Ugu dambeyn Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka ayaa dadka Soomaaliyeed ka codsaday in ay guddiga gacan ka siiyaan howshan.

About Post Author

A warsame

Published by A Warsame is senior Editor and managing Director of Mareeg Media Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.