Guddiga maamul u sameynta Mudug & Galgaduud oo hogaan doortay * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Guddiga maamul u sameynta Mudug & Galgaduud oo hogaan doortay

Mareeg.com: Guddiga maamul u sameynta gobollada dhexe, gaar ahaan Mudug iyo Galgaduud ayaa maanta doortay hogaan, si loo dar dargeliyo howlaha guddiga horyaalla.

Guddiga ayaa gudoomiye u doortay Xaliimo Ismaaciil “Xaliimo Yareey”, halka guddoomiye ku-xigeen ay u doorteen Maxamed Xaashi.

Axmed Dubad Cali ayaa loo doortay Xoghayaha guud ee guddiga, halka  Cumar Cali Rooble ay u doorteen Afhayeenka guddiga.

Kulanka ayaa waxaa hadalo ka jeedisay gudoomiye Xaliimo Ismaaciil waxeyna sheegtay inay aad ugu faraxsantahay howlaha loo igmaday. xubnaha guddiga ayay ku boorisay inay gacan ku siiyaan gudashada waajibaadka loo igmaday.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha gudaha iyo Federaalka Soomaaliya, Cali Abtidoon Xalane oo ka hadlay kulanka ayaa sheegay in ay soo dhaweynayaan hogaanka cusub ee ay sameysteen guddiga maamul u sameynta gobollada Mudug iyo Galgaduud, waxaana uu kula dar daarmay inay ka soo dhalaalaan howlaha loo igmaday.

Maalmihii uu dambeeyay ayaa guddiga waxaa Muqdisho uga socday siminaaro ku saabsan dhismaha Maamulka Gobollada Mudug iyo Galgaduud.

Guddiga ayaa la filayaa iney howlaha maamul u sameynta Mudug iyo Galgaduud bilaabaan maalmaha foodda inagu soo haya.

Mareeg Media

 

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!