Guddiga lagu muransan yahay oo si lama filaan u tegay Xarun lagu qabanayo Doorasho

Read Time:38 Second

Guddiga Doorashooyinka heer Federaal ee khilaafku ka taagan yahay oo ay weheliyaan xubno katirsan Guddiga Amniga Doorashooyinka qaabilsan ayaa kormeeray Xarunta Gaadiidka Booliiska oo loo qorsheeyay in lagu qabto doorashada kuraasta Gobollada Waqooyi iyo gobolka Banaadir.

Xarunta Gaadiidka Booliiska waxaa lagu qabanayaa Doorashada Kuraasta labada Aqal ee Gobollada Waqooyi oo muran uu ka taagan yahay Guddiga Xukuumadda ay u magacawday, kadib markii Guddoomiye Cabdi Xaashi uu ka yimid xubnahaas & Gobolka Banaadir.

Guddiga doorasho oo dhowaan soo saaray jadwalka doorashada ayaa u asteyay in doorashada Aqalka Sare la qabto oo ay bilaabato diiwaangelinta musharaxiinta, balse illaa hadda ma jiro Maamul Goboleed diiwangeliyay musharaxiin.

Xubnaha Guddiga ayaa u muuqda in aysan ku dedaalayaan dardar gelinta tallaabooyinka loo qaadayo doorashada muranka ka taagan, maadaama ay xoojiyeen dhoolatuska ay isu muujinayaan.

About Post Author

Ardaan Yare

Tifatirah wararka ku soo baxa afka soomaaliga
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.