
Read Time:1 Minute, 17 Second
Mareeg.com: Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya, Maxamed Aadan Ibraahim (Farkeeti) ayaa ka qayb-galay 12kii Bisha April kulan bileedkii guddiga Hagista iyo Daba-galka Hantida Qaranka (GHDHQ) oo ka dhacay Magaalada Mogadishu.
Wasiirka oo Shir guddoominaayay kulanka waxaa ka soo qayb-galay xubno matalaayay Bankiga Adduunka, Sanduuqa Lacagta Aduunka, Bankiga Horumarinta Afrika, Xafiiska Madaxwaynaha, Xafiiska Rai’sul Wasaaraha iyo Baarlamaanka.
Wasiirka ayaa ugu horayntii soo dhoweeyay xubinihii soo xaadiray shirka isagoo isla markaasna uga warbixiyay marxaladda GHDHQ hadda uu marayo iyo wixii u qabsoomay tan iyo markii la aasaasay.
Wasiirku wuxuu hoosta ka xariiqay in Guddigu sanad ka hor la aasaasay oo wali uu ku jiro marxaladii ugu horaysay balse hadana uu ku guulaystay talaabooyin horumar leh.
Wuxuu sheegay in Guddiga u qabsoontay arrimahaan soo socda:
In Waajibaadka Guddiga ay ansixiyeen Golaha Wasiirada;
In la diyaariyay Siyaasadii lagu soo celin lahaa Hantida Qaranka ee ku baahsan dunida;
In Golaha Wasiirada ay ansixiyeen Abuuridda Guddi Ku meel gaar ah ee iibka Qaranka
Gabo-gabadii Shirka waxaa la isku raacay in:
La joogteeyo kulamada iyo kala warqaadashada ku aadan arrinta Hagista Hantida Qaranka, islamarkaasna la dadejiyo dhaqan-gelinta hanti soo celinta;
In Siyaasadda Hanti soo celinta laga ansixiyo Golaha Wasiirada;
In la kordhiyo Xubnaha Guddiga laguna soo daro Baarlamaanka iyo Xafiiska Garyaqaanka Guud;
In la dhaqan-geliyo Abuuridda Guddiga Iibka Qaranka;
In Maamul Goboleedyada lagu dhiiro-geliyo ku sugnaanshaha Siyaasadda Xukuumadda ee ku aadan heshiisyada Caalamiga ah iyo IWL