Guddiga Farsamada Shirka Gobollada Dhexe oo sheegay in Ergooyinka badi ay qanciyeen * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Guddiga Farsamada Shirka Gobollada Dhexe oo sheegay in Ergooyinka badi ay qanciyeen

Guddoomiye ku xigeenka Guddiga Farsamada Maamul u sameynta Gobollada Mudug iyo Galgaduud Max’ed Xaashi oo u warramayay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ayaa tilmaamay in heer gaba gabo ah ay u mareyso qancinta Ergooyinka wax tabanaya si loo sii amba qaado howlaha kale ee shirka.

“ marka laga reebo wax yar inta badan Ergooyinka waan qancinay ,inta dhimanna waxaam rajeynaa in maanta aan qancinno” ayuu yiri Max’ed Xaashi.

Maalin ka hor ayaa buuq iyo sawaxan hareeyay dartiis shirka Cadaado waxaa uu galiyay hakad walow ay dadaallo xoog leh weli wadaan Guddiga Farsamada Shirkaas.

Ergooyinka ayaa muran ka qaba Dastuurka Maamulkaas Gobollada dhexe oo weli aan natiijo laga gaarin ka doodistiisa.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!