Guddiga Farsamada shirka Gobollada dhexe oo muddo kooban la siiyay * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Guddiga Farsamada shirka Gobollada dhexe oo muddo kooban la siiyay

Cadaado-Afhayeenka Guddiga Farsamada Maamul u sameynta Gobollada Mudug iyo Galgaduud Sheekh Cumar Cali Rooble oo u warramayay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in waqtigii loo qabtay shirka Gobollada dhexe uu ka idlaaday kaas oo ahaa mudada 45-ta cisho ah islamarkaana ay haatan dib ugu noqdeen xafiiska deeq bixiyayaasha Qaramada Midoobay si muddo kordhin loogu sameeyo.

Cumar Cali Rooble ayaa xaqiijiyay in laga aqbalay dalabkooda balse la siiyay waqti kooban si ay uga mira dhaliyaan shirka Maamul u sameynta Gobollada Mudug iyo Galgaduud.

Dhinaciisa Cabdullaahi Xirshi Diirshe Dacaad oo ka mid ah Ergada ka qeyb galeysa shirka Cadaado ayaa waxa uu ku eedeeyay guddiga farsamada oo uu sheegay in mala awaal wax uu ugu yeeray waqtiga ay uga qaadeen shirka.

Si kastaba weli waxaan fari ka qodneen shirka Maamul u sameynta Gobollada Mudug iyo Galgaduud iyadoo weli la isku mari la’yahay habsami u socodka shirkaasi.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!