
Guddiga guddiga farsamada ee maamul u sameynta Galmudug ayaa waxaa markii ugu horeysay ay qireen in la bedelay Xubno kamid ah Odayasha Saxiixayaasha Galmudug oo cabasho badan ay ka jirtey.
Guddoomiyaha Guddiga Cabdinaasir Geelle Cilmi oo la hadlay oo la hadlay mid kamid ah Idaacadaha Muqdisho ayaa sheegay in Afar kamid ah Odayaasha Saxiixayaasha Galmudug la bedelay,in kastoo uusan faha faahin sababaha ka dambeeyey.
Waxaa uu sheegay in Afarta Oday Saddex kamid ah ay kasoo jeedaan Beesha Murusade halka midka kale uu yahay Beesha Sheekhaal,sidoo kalena la xaliyey dhamaan cabashdii ay qabeen beelaha qaar ee daga Galmudug.
Labadii bilood ee la soo dhaafay oo ay joogeen ayuu sheegay inay u qabsoomeen waxyaabo badan oo muhiim ah oo ay kamid ahaayeen tabashadii hogaanka Ahlusunna Wal-jamaaca lana siiyey Xubnihii ay ku lahaayeen Baarlamaanka Galmudug.
Ugu dambeyn wuxuu ka hadlay arrimaha doorashada Galmudug, gaar ahaan jadwalka ay soo saareen, isaga oo sheegay inay caqabad ka jirin, kuna shaqeyn doonaan.