Guddiga farsamada maamulka gobolada Sh/dhexe iyo Hiraan oo lagu wado in dhowaan lagu dhowaaqo

Read Time:1 Minute, 49 Second

Guddiga farsamada ee maamul u sameynta labada gobol ee Sh/dhexe iyo Hiiraan ayaa lagu wadaa in goordhow lagu dhowaaqo kadib markii muddo bil kabadan ay soo jiitamaysay sidii loogu heshiin lahaa qeybsashada xubnaha guddiga farsamada.

Wasaarada Arrimaha gudaha oo hore u shaacisay in guddigan uu ka kooban yahay 31 xubnood ayaa labada gobolba ay culeys weyn ku noqotay sidii loo qeybsan lahaa iyadoo gobol walba uu doonayay in uu qaato xubno badan.

Sidoo kale qaabka loo qeybsanayo guddiga farsamada deegaan ahaan ama beel ahaan ayaa gobol walba ku noqotay xujo kale, iyadoo Wasaarada arrimaha gudaha ay markii dambe go’aansatay in dib loo dhigo shirka muddo aan la shaacin.

Hase yeeshee warar la  helay ayaa sheegaya in laga heshiiyay qeybsiga xubnaha guddiga farsamada oo haddii lagu heshiiyo ay noqon karto mid horumar u ah maamul u sameynta labada gobol ee Hiiraan iyo Sh/dhexe.

Wararka qaar ayaa sheegaya in gobolka Hiiraan loo qoondeeyay 18 xubnood halka gobolka Sh/dhexena uu helay 13 xubnood. Hase yeeshee ma aha mid rasmi ah.

Qeybsiga gudiga farsamada ayaa waxaa haatan soo dedejiyay kadib markii labada guddoomiye ee Sh/dhexe iyo Hiiraan ay magaalada Muqdisho ugaga qeybgaleen shirka Wadatashiga.

Halka lagu qabanayo shirka ayaa ah mid weli taagan oo aan wali laga heshiin iyadoo maamulka gobolka Hiiraan uu dhowr jeer sheegay in ay diyaariyeen goobihi shirka lagu qaban lahaa, halka gobolka Sh/dhexe isaguna uu shaaciyay in shirka lagu qabanayo gobolka Sh/dhexe maadaama uu yahay meel ammaan ah caasimadana u dhow, isla markaana hore u so dhoweysay dowladii Cabdullahi Yuusuf Axmed.

Wasiirka warfaafinta Mudane Maxamed Cabdi Maareeye ayaa sheegay in ay ka go’an tahay dowlada in shirka maamul u sameynta gobolka Hiiran iyo Sh/dhexe uu dhamaado bisha December.

Mudane Maareeye ayaa sheegay in ka hor bisha December ay suuroobi doonto in Madaxweyne iyo Baarlamaan la doorto, waxaana uu rajo ka muujiyay sida ay iminka u socoto howsha.

Si kastaba ha ahaatee howsha maamul u sameynta Hiiraan iyo Sh/dhexe ayaa loo arkaa mid caqabado badan ka imaan karta, marka loo eego beelaha labada gobol dega oo mid walba xusul duub ugu jirta, sidii ay uga dhex muuqan laheyd, xubno muhiim ahna ku yeelan laheyd maamulka.

Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %