Guddiga doorashooyinka Puntland oo la ansixiyey
Kulan ay Maanta ku yeesheen Xaruntooda Magaalada Garoowe Baarlamaanka Puntland ayaa waxaa la horgeeyey Guddiga KMG ah ee doorashooyinka Puntland,iyaga oo ansixiyay.
Kulanka ayaa waxaa markii ugu horreysay shir guddoomiyey guddoomiyaha Cusub ee Baarlamaanka Puntland Abwaan Cabdirashiid Yuusuf Jibriil,waxaana kulanka goobjoog ka ahaa 50 Mudane,kuwaas oo cod aqlabiyad leh dhamaantood ku ansixiyeen Guddiga KMG ah ee doorashooyinka Puntland.
Xildhibaanada ansixiyay Guddiga doorashooyinka ayaa waxaa ay ka dalbadeen in ay dardargaliyaan shaqooyinka loo igmaday ee xilligaan horyaalla.
Baarlamaanka Puntland ayaa waxaa soo wajahay khalqal siyaasadeed kadib markii ay xilkii ka qaadeen Gudoomiyihii baarlamaanka Puntland Cabdixakiin Maxamed Axmed Dhoobo.
Comments are closed.