
Read Time:25 Second
Maanta oo Sabti ah taariikhduna ku beegan tahay 14/12/2019 ayaa la filayaa in Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya kulankoodii caadiga ahaa ku yeeshaan Xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho.
Ajendaha kulanka ayaa ah in ay hortaggaan Guddiga Madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka.
Xildhibaananada Golaha Shacabka ayaa xalay lagu wargeliyay in Maanta oo Sabti ah uu jiro kulanka Baarlamaanka,isla markaana ay soo xaadiraan .
Xildhibaanada ayaa sidoo kale dood adag ka lahaa maalmihii lasoo dhaafay Sharciga doorashooyinka ee ay soo diyaariyeen Guddiga baarlamaanka.