Guddiga doorashooyinka Madaxweynaha Galmudug oo Guddoon doortey

Read Time:40 Second

Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug waxaa Maanta kulan ku yeeshay Guddiga doorashooyinka Madaxweynaha Galmudug iyo kuxigeenkiisa,iyaga oo doortey Guddoomiye iyo guddoomiye kuxigeenka Guddiga.

Kulanka oo uu goobjoog ay ka ahaayeen Guddoomiyaha Baarlamaanka galmudug Xildhibaan Maxamed Nuur Gacal iyo labadiisa kuxigeen,waxaana Gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Madaxwaynaha loo  doortay Maxamed Xuseen Tahliil ( Calool Geel) halka Cabdiraxiin Axmed Cigaal isna loo doortay gudoomiye ku xigeenka Guddiga,

Saacadihii la soo dhaafey ayaa waxaa warar soo baxayay ay sheegayeen in uu jiro khilaaf ka dhashay doorashada Guddoonka Guddiga doorashada Madaxweynaha Galmudug iyo kuxigeenkiisa taa soo ka dhalatey in Ahlusunna ay dalbadeen in Shaqsiga noqonaya Guddoomiyaha iyaga dhankooda laga soo xulo.

Xubnaha Guddiga doorashada Madaxweynaha Galmudug iyo kuxigeenkooda oo uu xilkodu yahay mid KMG ah ayaa waxaa ay diyaarin doonaan jadwalka doorashada iyo sida ay ku dhici karto.

About Post Author

Ardaan Yare

Tifatirah wararka ku soo baxa afka soomaaliga
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %