Guddiga doorashooyinka heer federaal oo guddoon doortey * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Guddiga doorashooyinka heer federaal oo guddoon doortey

Guddiga doorashooyinka heer federaal ee Soomaaliya ayaa maanta wuxuu caasimada Muqdisho ku doortay guddoon kadib labo wareeg oo si weyn loogu loolamay coddeynta.

Maxamed Xasan Cirro ayaa ku guuleystay xilka guddoomiyaha isaga oo helay 14 cod wareega labaad, wuxuuna ka adkaadey Liibaan Maxamed Xasan oo wareega labaad looga badiyey codad gaaraya 10 cod kaliya.

Cirro ayaa ahaa guddoomiyaha guddiga doorashooyinka muranka ka taagnaa ee doorashooyinka kaasoo ay Villa Soomaaliya lagu eedeeyay in ay ku darsatay xubno si weyn daacad ugu ah maamulka Farmaajo.

Guddigan la isku khilaafsanaa ayaa meesha ka baxay ka gedaal markii ay mucaaradka ku doodeen in ay kamid yihiin xubno ka tirsan shaqaalaha dowladda, saraakiil ka tirsan hay’adda sirdoonka qaranka.

Kala shaandheynta xubnahaas ayaa ku timid heshiis ay 27-dii May, 2021 ay Muqdisho ku saxiixeen hogaamiyeyaasha Soomaalida kadib wadahadalo maalmo badan qaatay oo ku dhexmaray magaala madaxda.

Wadaxaajoodyadaas ayaa sidoo kale waxaa kasoo baxay jadwal doorasho kaasoo xeerinaya in coddeynta baarlamaanka iyo madaxweynaha ay kusoo dhamaadaan muddo 92-casho ah taasoo bartamaha looga jiro.

Madaxweynaha 10aad ee Soomaaliya ayaa la dooran doonaa 10-ka October, 2021, iyadda oo ay ka horeeyaan xulista xubnaha labadda aqal iyo doorashadda guddoonka labadda gole ee baarlaamaanka dalka.

Muqdisho-Somalia

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Mareeg.com somalia, World News and Opinion.