Guddiga baarlamanka Soomaaliya u qaabilsan dastuurka oo doortay gudoomiye * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Guddiga baarlamanka Soomaaliya u qaabilsan dastuurka oo doortay gudoomiye

Muqdisho – Mareeg.com: Kulan uu magaalada Muqdisho ku yeeshay guddiga baarlamaanka u qaabilsan dastuurka iyo hiigsiga doorashada 2016 ayaa lagu doortay doortay guddoomiye iyo ku xigeen.

Wasiiru-dowlihii hore ee wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya, xildhibaan Cabdi Cali Xasan ayaa loo doortay guddoomiyaha guddsiga dastuurka, iyadoo xildhibaan Cilmi Maxamed Nuur loo doortay guddoomiye ku xigeenka guddigaasi.

Gudoomiyaha cusub ee la doortay xildhibaan Cabdi Cali Xasan oo la hadlay guddiga doortay ayaa codsaday in lala shaqeeyo si baarlamaanku uu ugu guuleysto inuu wax ka qabto dastuurka qabyada ah iyo diyaarinta doorasho uu dalku galo xilliga loo qorsheeyay.

Guddigaan ayaa ka shaqeyn doona dhameystirka dastuurka dalka oo ay xildhibaanada baarlamaanku ku leeyihiin dowr weyn, iyadoo horay loo qorsheeyey in sanadka 2016 ka hor uu dalka ka jiro dastuur buuxa.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!