Guddiga Waxgaradka deegaanka Shabeellaha Dhexe ay sheegay in sababta ay ugu yimaadeen Wasiirka ay tahay inay warbixin ka siiyaan dadaalo ay waxgaradka deegaankaasi wadeen in muddo ah oo ku aadan sidii dadka deegaanka ay aayahooda uga tashan lahaayeen oo maamul Goboleedka Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan uu u noqon lahaa mid dadka deegaanka ay ka wada qeybgalaan.
Guddigan ayaa u sheegay wasiirka inay diyaarinayaan qorshihii Gobolka Banaadir iyo maqaamka caasimada Muqdisho, ayna ka codsadeen Wasiirka in talada ay marka hore ka timaado dadka deegaanka kadibna ay u gudubto Dowladda Federaalka heerarkeeda kala duwan, ka hor inta aan Baarlamaanka ka hadlin maqaamka Muqdisho.
Waxgaradka ayaa sheegay inay doonayaan talada iyo qorshaha gaaraya Baarlamaanka ay noqoto mid hoos ka soo bilaabata oo dadka deegaanka ay soo lafo gureen, kadibna ay Dowladda la tashiyo la sameyso dadka nidaamka waddamada caalamka ay isticmaalaan.
Cabdiraxman Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) oo ka mid ah Guddiga deegaannada Sh/Dhexe iyo Banaadir ayaa u mahadceliyey Wasiirka Arrimaha Gudaha, isla markaana ka codsaday in Wasiirka uu tallooyinka loo jeediyey oo ah maslaxadda shacabka iyo tan Dowladda Federaalka uu tixgelin gaar ah siiyo.
This site uses functional cookies and external scripts to improve your experience. Which cookies and scripts are used and how they impact your visit is specified on the left. You may change your settings at any time. Your choices will not impact your visit.
NOTE: These settings will only apply to the browser and device you are currently using.
Comments are closed.