Guddi loo saarey shaqaaqo xalay ka dhacday Dhuusamareeb

Read Time:56 Second

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali kheyre oo ku sugan Magaalada Dhuusamareeb ayaa xalay waxaa uu la kulmay Saraakiisha laamaha Amniga Magaalada iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya,iyaga oo ka wada hadlay Shaqaaqadii dhacday iyo sida ay ku timid.

Sidoo kale wararka lahelayo ayaa waxaa ay sheegayaan in Shaqaaqadaas loo saarey guddi baaris ah,kuwaas oo Maanta tegaya Goobtii iska hor imaadku ka dhacey ee afaafka hore ee Xarunta Inji,iyaga oo suaalo waydiin doono Xubno labada dhinac ah oo goobjoog u ahaa sida wax u dheceen.

Dhinaca kale Hoggaanka ahlusunna ayaa waxaa ay dhankooda ku doodayaan in lasoo weerarey,yaga oo ujeedadu aheyd waxyeeleynta xubno ka tirsan 20-ka xildhibaan oo Ku dhawaaqeen kuwaasoo diidmo kala kulmaya Dowlada faderaalka iyo Odayaasha beelaha ,halka Saraakiisha Dowlada ay dhankooda sheegeen in dhankooda Ciidamada Ahlusunna rasaas la beegsadeeen gawaari Ciidamada Dowladu wateen oo marayay afaafka xarunta inji kuwaas oo ay la socdeen Saraakiil iyo Xildhibaano faderaalka ah.

Sidoo kale war kooban oo kasoo baxay taliska Booliska Dhuusamareeb ayaa waxaa lagu sheegay in boolisku uu baaris ku haayo israsaaseyntii koobneyd ee xalay ka dhacday Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug.

About Post Author

Ardaan Yare

Tifatirah wararka ku soo baxa afka soomaaliga
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.