Guddi loo magacaabay Aaska Guddoomiyihii Hodan ee lagu dilay Magaalada Muqdisho

Read Time:50 Second

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho ayaa Guddi u magacaabay Aaska Guddoomiyihii degmada Hodan ee Gobolka oo xalay Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska dowladda Federaalka ku dileen Muqdisho.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Guddoomiye Cumar Maxamuud Maxamed Finish ayaa lagu Cambaareeyay falkii lagu dilay Guddoomiye Cabdixakiin C/raxmaan Ciise, xili uu marayay Jid-mareexaanka ee degmada Howlwadaag.

Duqa Muqdisho ayaa Aaska iyo tacsi Guddoomiye Cabdixakiin Dhaga-juun u magacaabay Guddi ka kooban 7-xubnood, waxaana Guddoomiye looga dhigay Guddiga Guddoomiye ku-xigeenka Maamulka Gobolka.

Hoos ka Akhriso Magacyada Guddiga uu magacaabay Cumar Finish.

1- Guddoomiye Kuxigeenka 1-aad ee Maamulka Gobolka Banaadir ahna Kuxigeenka Maamulka iyo Maaliyadda, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Maxamuud “Caana-booro” (Guddoomiyaha Guddiga)

2- Mukhtaar Maxamed Cali (Dhaga-Cade)

3- Muuse Cali Eybakar

4- Saalax Xasan Cumar

5- Yaasiin Cismaan Jimcaale

6- Seynab Maxamuud Xaabsey

7- Mustaf Cali Kheyre

Guddigaan ayuu Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho faray in sida ugu haboon loo maamuuso, tacsida iyo Aaska Allaha u naxriisto Marxuum Cabdixakiim Cabdiraxmaan Ciise (Dhaga-juun).

About Post Author

Ardaan Yare

Tifatirah wararka ku soo baxa afka soomaaliga
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.