Guddi ka tirsan xiriirka kubadda cagta ee adduunka, FIFA, oo kulan ku yeeshay dalka Qatar, ayaa ku talo bixiyay in koobka adduunka ee sanadka 2022-ka la qabto bilaha November iyo December ee sanadkaasi.
Madaxa gudigan loo saaray in uu ka talo bixiyo xilliga ugu wanaagsan ee Qatar lagu qaban karo ciyaaraha adduunka ee 2022-ka, ayaa BBC-da u sheegay in xilliga ugu macquulsan uu yahay bilaha ugu dambeeya ee sanadka.
Arrintaasi ayaa dhibaato ku noqon doonta kooxaha waaweyn ee ka dhisan Yurub, kuwaas oo doonaya in ciyaaraha koobka adduunka la qabto bisha May, si uu u yaraado hakadka ku imaanaya tartamada horyaaladooda.
FIFA ayaa go’aanka kama dambeysta ah arrinkan ka gaari doonta bisha soo socota.