Guddi Dowladda Magacawday Oo Go’aamiyey In RW Hore C/rizaaq X. Xuseen Lagu Aaso Muqdisho

Read Time:1 Minute, 0 Second

Muqdisho – Mareeg.com: Guddi shalay dowladda Soomaaliya u magacowda aaska Ra’isul Wasaarihii hore ee dalka, Cabdirisaaq Xaaji Xuseen oo ku geeriyooday Mareykanka ayaa isla gartay in marxuumka lagu aaso Magaalada Muqdisho.

Ra’iisul Wasaare-ku-xigeenka ahna Wasiirka Diinta iyo Awqaafta, Ridwaan Xirsi Maxamed ayaa sheegay in la isla gartay in marxuumka lagu aasdo caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Magacyada guddiga dowladda Soomaaliya u saartay aaska Raysul wasaarihii hore ee Soomaaliya C/rizaaq Xaaji Xuseen ayaa kala ah:

1- Ra’iisul wasaare ku xigeen ahna wasiirka Diinta iyo Awqaafta Ridwaan Xersi Maxamed, Guddoomiyaha Guddiga
2- Wasiirka Qorsheynta Saciid C/llaahi Dani, Xubin
3- Wasiirka Maaliyadda Xuseen Cabdi Xalane, Xubin
4- Wasiirka Garsoorka iyo Destuurka Faarax Sheekh C/qaadir Maxamed, Xubin
5- Wasiirka Amniga Qaranka C/kariin Xuseen Guuleed, Xubin.
6- Wasiirka Warfaafinta Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow, xubin
7- Wasiirka Dhallinyarada iyo Isboortiska Khaalid Cali Cumar, Xubin
8- Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur “Tarsan”, Xubin
9- Habdhowraha Barlamaanka Maxamed C/llaahi Xasan, Xubin
10- Xildhibaan C/qaadir Sheekh Cali Bakhdaadi, Xubin
11- Xog-hayaha Barlamaanka C/kariin Cabdi Buux, Xubin

Guddigan ayaa si weyn u qaban qaabin doona maalmahan aaska Qaranka ee Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya.

Mareeg.com

About Post Author

A warsame

Published by A Warsame is senior Editor and managing Director of Mareeg Media Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 0 %
Sad
Sad
0 0 %
Excited
Excited
0 0 %
Sleepy
Sleepy
0 0 %
Angry
Angry
0 0 %
Surprise
Surprise
0 0 %