Guddi dib u eegis ku sameeya xeerka saxaafadda Soomaaliya oo la magacaabay * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Guddi dib u eegis ku sameeya xeerka saxaafadda Soomaaliya oo la magacaabay

Muqdisho – Mareeg.com: Wasiirka warfaafinta Soomaaliya, Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow ayaa manta magacaabay guddi ka kooban 16 xubnood, kuwaasoo dib u eegis ku sameynaya xeerka xeerka saxafada Soomaaliya ka hor intaan barlamanka loo gudbin.
Gudigan farsamo ee uu magacaabay wasiir Dhuxulow ayaa isugu jira xubno ka socda wasaaradda warfaafinta Soomaaliya iyo warbaahinta madaxa banana.
Xubnaha gudiigan ayaa kala ah:
1- C/laahi Colaad Rooble, Wasiir Kuxigeen Ahna Guddoomiyaha Guddiga
2- C/raxmaan Yuusuf Sheekh (Al-cadaala)
3- Muno Cumar Xasan
4- Cabdi Xaaji Goobdoon
5- Xuseyn Xaaji Jaabir
6- Dr Maxamed Isxaaq Mursal
7- Maxamed Ibaarhim Bakistan
8- Cisman C/laahi Guure
9- Liibaan Cabdi Warsame
10- Malyuun Sh Xeydar
11- C/rasaaq Jaamac Cilmi
12- Nimca Xasan Cabdi
13- Yacquub Maxamed C/lla
14- Faarax Cabdi Wasame
15- Ismaaciil Sheekh Qaliifa
16- Farxiyo Maxamed Qeyre
Maxamed Ibraahin Pakistaan xoghayaha ururka saxafiyiinta NUSOJ oo kulanka hadal ka jeediyey ayaa sheegey in mudo dheer saxafadu ay ku shaqeyneysey shuruuc la,aan, hadana ay soo dhaweynayaan xeerka warbaahinta hagaya oo ay sameysay dowladda Soomaaliya.
Wasiir ku xigeenka wasarada warfafinta, ahna godoomiyaha gudigan maanta la magacabey C/llaahi Colaad Rooble oo kulanka hadal ka jeediyey ayaa sheegey in gudigan ka shaqeyn doono sidii ay u soo saari lahayeen xeer Saaxafadda Soomaaliyeed ay ku wada qanci karaan.
Wasiirka wasarada warfafinta xukuumada Soomaaliya Mustaf Sheikh Cali Dhuxulow oo gabo-gabadii hadlka jediyey kulanka ayaa xubnaha gudigan ku dhiiri galiyey iney waajibadkan shaqo u gutan si wanagsan.
Ma cadda kartida guddigan u yeelan karon inuu dib u eegis dhab ah ku sameeyo xeerka saxaafadda Soomaaliya, maadaama ay ku yaryihiin dad ka soo baxay kulliyadaha sharciga iyo saxaafadda.
Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Mareeg.com somalia, World News and Opinion.