Gud Maxamed murasal oo markii ugu horeysay hoggaamin doona BF Soomaaliya

Read Time:32 Second

Muqdisho ( mareeg News ) Waxaa lagu wadaa in maanta ay Xildhibaanada Golaha Shacabka baarlamaanka Somalia ku kulmaan magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia.

Kulankaan oo xiisa gaara leh ayaa markii ugu horeysay waxaa shir guddoomin doona Gudoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo dhawaan la doortay.

Kulanka ayaa ka dhici doona Xarunta Golaha Shacabka waxaana dhammaan xaadiri doona Xildhibaanada baarlamaanka.

Ajendaha Kulanka ayaa ah Habmaamuska Xeerka lagu Aasaasay Midowga Africa ee Khuseeya Midowga Baarlamaanada Afrika.

Xeerkan ayaa shalay waxaa ansixiyay Xubnaha Golaha Wasiirada Soomaaliya, waxaana laga sugayaa in maanta uu maro Xildhibaanada.

Dhinaca kale waxaa aad loo adkeeyay amniga Xarunta waxaana xiran dhammaan waddooyinka hareer mara Xarunta.

About Post Author

Ahmed weheliye Gaashaan

freelance journalist covering events in Somalia, SocialActivist, writer, PoliticalAnalyst .contact gaashaan1960@gmail.com
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %