Grab waceysle ah oo ka caroodey shirka Maamul u sameynta gobolada dhexe ka dib markii siyaasada looga raayey

Qaar ka mid ah Waxgaradka iyo siyaasiyiin ka tirsan Beesha Waceysle ayaa maanta shir gaar ah waxay ku yeesheen Magaalada Muqdisho iyagoo ka soo saaray warsaxaafadeed loo qeybiyay bahda warbaahinta.

Qaarkan ka mid ah Beesha Waceyle ayaa si kulul waxay uga hortamid shirka Maamul u sameynta Gobolada dhexe ee ka socda Magaalada Cadaado.

Waxgaradka iyo Siyaasiyiinta Waceysle waxay sheegeen in xaqoodii la duudsiiyay iyagoo dega ilaa sedex degmo oo ka tirsan gobolada Mudug iyo Galgaduud.
11287123_838288482924963_1100527543_nDSC01015