
Qatbtii Koowaad.Mareeg.com-Maanta waxaan maqlay in xilkii laga qaaday Wasiirkii Arimaha Diinta iyo Owqaafta Dr. Iimaan Cabdullaahi Cali, lama shaacin sababta uu xilka ku waayey Muwaadinkaasi aniguna ma ogi, ma ahan nin aan ku aqaano saaxada Siyaasadda Soomaaliya, sidaa darteed inaan ku sii fogaado ma doonayo. Laakiin waxaan Ilbaxnimo ahayn xilka qaadista maalin walba wareegtada kusoo baxaysa iyadoo aan laga qancin Golaha Shacabka (Baarlamaanka) iyo dadwaynaha Soomaaliyeed..
Waa in loo garaabo marka ugu horaysa in xilka loo xusul duubo oo yacni si baahsan oo furan lagu raadsado, geed dheer iyo geed gaabanna loo fuulo, waa ay bannaan tahay, laakiin waxaa muhiim ah in la ogaado Mudane in aad ka madax banaanaato marka xilka laguu magcaabo ciddii ku Magacowday, yacni ma ahaaneysid Guulwade nacamleeye ah, ee waxaad ahaaneysaa Masuul sharci iyo Ixtiraam kula shaqeeya shakhsiga ku soo xushay oo ah Wasiirka koowaad..
Maxaa dow ah hadii ay is qabtaan Wasiir iyo Wasiirka koowaad? Xilka qaadis marnaba ma imaan karto, waa haddii aan nahay dowlad Ilbax ah oo ay naga dhab tahay in aan u adeegno shacabka Soomaaliyeed ee dhiaateysan.
Waxaa u dhexeeya labada nin Wasiirka iyo Ra’iisul Wasaaraha waa Baarlamaanka FS, Wasiirka koowaad ayaa tegeya Baarlamaanka, waxa uuna u sharaxayaa wada shaqayn la’aanta dhex taala isaga iyo Wasiir Hebel, waxaa markaas Wasiirkii u yeeraya oo soo gole joojinaya Xubnaha Golaha shacabka oo u sharxaya waxyabihii lagu soo eedeeyey.
Haddii ay Barlamaanka la qumanaato in Wasiirku qaldan yahay waxaa loo qaadayaa cod, haddii uu waayo 51% xubnaha soo xadiray waa uu dhacayaa, waxaana Ra’iisul Wasaaraha la waydiisanyaa inuu soo magacabo Masuulkii bedeli lahaa, sidaa si ka duwan haddii uu Wasiirku la saxsanaado Baarlamaanka waxa loo sheegyaa Wasiirka koowaad qaladkiisa, oo waxaa la amrayaa in Wasiirku shaqadiisa sii wato.waa sifada lagu yaqaano dowladda Ilbaxa ah.
Waxaa wanaagsanayd markii horeba in xubnaha Golaha Wasiirda mid mid loo horkeeno Baarlamaanka FS, si ay u helaan codka kalsoonida, intii la isku xambaari lahaa shakhsiyaad waxtar leh iyo kuwo aan waxtar lahayn.. Haddii sidaa la yeeli lahaa waxaan hubaa in aaney dhacdeen Wasiir xil wareegto looga qaado.
Cabdinaasir Xersi Iidle.
Mail. Naasirx1@gmail.com