
Axmed Cabdalla oo ahaa Goolhayihii hore ee xulka Qaranka Soomaaliya ayaa ku geeriyooday isbitaal ku yaalla Magaalada Isparta ee dalka Turkiga,isagoo halkaasi loogu qaaday xaalad caafimaad.
Allaha u naxariistee Axmed Cabdalla ayaa sedexdii cisho ee la soo dhaafay aad u xanuunsanayay, Iyadoona xanuunka uu si aad ah ugu soo kordhay Shalay,isla markaana ugu dambeyn uu xalay geeriyooday.
Goolhaye Axmed Cabdalle oo ahaa Goolhayaha xulka Qaranka Soomaaliya ayaa waxa uu mar u Ciyaarey Kooxda Kubbada Cagta Elman oo uu waqti badan kusoo qaatay,waxaana markii ugu dambeysay uu u ciyaarayey Kooxda Kubada Cagta Jenya.
Allaha u Naxariistee Goolhaye Axmed Cabdala ayaa waxaa xanuun loogu qaatay dalka Turkiga,ka dib markii xaaladiisa caafimaad ay noqotay mid aad u daran