Goodax oo ku baaqay in laga fiirsado Xiriirka dalka kala dhexeeya Kenya * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Goodax oo ku baaqay in laga fiirsado Xiriirka dalka kala dhexeeya Kenya

Xildhibaan Cabdullaahi Goodax Barre oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliyeed ayaa ugu baaqay Dowladda Federaalka Soomaaliya in ay dib u eegis ku sameyso xiriirka kala dhexeeya waddanka Kenya.

 

Cabdullaahi Goodax ayaa dhinaca kale sheegay in Xukuumadda ay ka baaraan degtoqorsho ku aadan in laga saaro dalka Soomaaliya Ciidamada waddanka Kenya ee qeybta ka ah Howlgalka AMISOM .

 

“ Kenya waxa ay bilowday dhul ballaarsi oo ay ugu soo fideyso dhulka umadda Soomaaliyeed taasna waxa loo baahan yahay in ay xumeyso xiriirkii nagala dhexeeyay” ayuu yiri Xildhibaan Cabdullaahi Goodax Barre.

 

Warar  ayaa  ayaa sheegaya in Baarlamaanka ay wadaan qorsho Mooshin looga keenayo Ciidamada Kenya ee ku sugan dalka.

 

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!