DEG-DEG: 20 Wasiiro wajiyo cusub leh oo lagu dhawaaqey (Akhriso) * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

DEG-DEG: 20 Wasiiro wajiyo cusub leh oo lagu dhawaaqey (Akhriso)

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke ayaa caaa 27-ka Janaayo 2015 magacaabay Xubnaha Golaha Wasiirada cusub, kuwaasoo ah dhamaan wajiyo cusub, iyadoo aanay ku jirin Wasiiradii lagu muransanaa iyo Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka.

Golaha wasiiradan oo ka kooban 20-Wasiir ayaa ah kuwo ku cusub saaxada siyaasada, halka qaarkood horay xilal u soo qabteen, waxaana magacaabistooda oo aheyd mid lama filaan ah.

Ra’iisul wasaaraha ayaa magacaabay 20-wasiir kaliya, iyadoo uu dib uga soo magacaabi doono Wasiir kuxigeenada iyo Wasiiro.

Magacyada Wasiirrada
1. Maxamed Cumar Carte Ra’iisul Wasaare Ku Xigeen ahna Wasiirka Shaqada, Dhalinyarada & Sportiga
2. Axmed Xasan Gaboobe Wasaaradda Cadaaladda & Arrimaha Diinta
3. Cabdirixhman Maxamed Xuseen Wasaaradda Arrimaha Gudaha & Federaalka
4. Maxamed Aadan Ibraahim “Fargeti” Wasaaradda Maaliyadda
5. Cabdulqaadir Sh. Cali Diini Wasaaradda Gaashaandhigga
6. Cabdisalaan Hadliye Cumar Wasaaradda Arrimaha Dibadda
7. Khadra Bashiir Cali Wasaaradda Waxbarashada
8. Fahad Yaasiin Xaji Dahir Wasaaradda Dekedaha & Gaadiidka Badda
9. Cabdirixman Yusuf Cali Caynte Wasaaradda Qorshaynta & Iskaashiga Caalamiga
10. Nuur Faarax Xirsi Wasaaradda Dastuurka
11. Guuled Xuseen Qaasim Wasaaradda Warfaafinta & Isgaarsiinta
12. Cali Axmed Jaamac “Jangali” Wasaaradda Gaadiidka & Duulista Hawada
13. Siciid Xuseen Ciid Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta & Daaqa
14. Cali Xasan Cusmaan Wasaaradda Beeraha
15. Xasan Axmed Muudeey Wasaaradda Ganacsiga & Warshadaha
16. Saalax Sh. Cusmaan Muuse Wasaaradda Howlaha Guud & Dib-U-Dhiska
17. Sahra Maxamed Cali Samatar Wasaaradda Haweenka & Hormarinta Xuquuqda Aadanaha
18. Maxamed Mukhtaar Ibrahim Wasaaradda Kaluumeysiga & Kheyraadka Badda
19. Cabdirisaaq Cumar Maxamed Wasaaradda Batroolka, Biyaha & Kheyraadka Dabiiciga
20. Xaawo Xasan Maxamed Wasaaradda Caafimaadka

Cumar Cabdirashid Cali Sharmarke
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!