Golaha Wasiirrada Soomaaliya Maanta La dhaariyey * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Golaha Wasiirrada Soomaaliya Maanta La dhaariyey

Muqdisho – Mareeg.com: Golaha Wasiirada ee xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta la dhaariyay, waxaana munaasabadda dhaarinta goob joog ka ahaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud, iyo Ra’iisul Wasaaraha Xukuukumada Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed.

Golaha Wasiirada ayaa lagu dhaariyay Kitaabka Qur’aanka sida caadada ahba, waxaana lagu hor dhaariyay golaha Baarlamaanka iyo sidoo kale madaxda Qaranka.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa dhaarta kadib, hadal ka jeediyay kulanka, isaga oo uga mahadceliyay golaha Baarlamaanka talaabooyinkooda xil kasnimada leh, wuxuuna ku tilmaamay go’aankoodii shalay ay ku meel mariyeen dhismaha xukuumada mid taariikhi ah.

“Sharaf ayay ii tahay inaan markii saddexaad idin hor imaado, waxaana jeclahay inaan idiinkaga mahadceliyo go’aankiinii taariikhiga ahaa ee aad shalay ku ogolaateen xubnaha golaheyga Wasiirada, waxaana laga bilaabo saacadan la joogo idiin balan qaadeynaa inaan u howlgali doono dhaqangelinta qorshe howleedka xukuumada iyo gudashada waajibaadkeena Dastuuriga ah” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha oo intaasi ku daray.

“Golaha Wasiirada waxaan hortiina ka farayaa in xubin kasta oo golaha Wasiirada inuu wada shaqeyn dhow la yeesho guddiyada Baarlamaanka ee ay wada shaqeyntu ka dhaxeyso, waana inaad tixgelisaan talooyinkooda iyo aragtidooda”.

Gabagabadiina, Ra’iisul Wasaaraha ayaa hoosta ka xariiqay in golaha Wasiirada laga sugayo howl culus oo mudnaanteeda leh, wuxuuna si gaar ah u xusay in shacabka Soomaaliyeed ay qabaan dhibaatooyin fara badan oo ay ugu horeyso qaxootiga gudaha iyo dibaddaba daadsan ee aanan heysan Hoy iyo Hu’, sidaasi darteedna laga shaqeeyo har iyo habeenba sidii dadkaasi ay u heli lahaayeen caawimaad dawladeed iyo mida beesha caalamkaba.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!