Golaha Wasiirrada oo si lama filaan ah xilka uga qaaday Agaasimaha Nabadsugidda * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Golaha Wasiirrada oo si lama filaan ah xilka uga qaaday Agaasimaha Nabadsugidda

Mareeg.com-

Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta isugu yimid shir aan caadi ahayn oo shir gudoominayey Ra’iisul Wasaare Cabdiwali Sheekh Axmed Maxamed.

Shirka ayaa looga hadlay amniga guud ee dalka, iyadoo golaha Wasiiradu xilkii ka qaadeen Agaasimihii Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Soomaaliya C/laahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).

Afhayeenka Xukuumadda Ridwaan Xaaji Cabdiweli oo saxaafadda la hadlay kulanka kaddib ayaa sheegay shirka golaha Wasiirrada in warbixin ku aadan amniga guud ee dalka laga dhageystay Wasiirrada Amniga Qaranka iyo Wasiirka Gaashaandhigga.

“Kulankii maanta ee golaha Wasiirada waxaa looga hadlay amniga guud ee dalka, waxaa warbixin ku aadan amniga dalka iyo dadaalada ay Xukuumaddu wado ee la xiriira amniga laga dhagaystay Wasaaradaha Amniga Qaranka iyo Gaashaandhigga waxayna soo saareen feejignaan gaar ah in masuuliyiinta iyo dadka Soomaaliyeed ay yeeshaan kaddib dilkii hoggaamiyihii kooxda Al-shabaab, goluhu wuxu soo dhaweeyay howlgallada ay wadaan Ciidamadda Xogga dalka iyo AMSIOM ee ka socda gobollada dalka” ayuu yiri Afhayeenka Xukuumadda Ridwaan Xaaji Cabdiweli.

Sidoo kale wuxuu sheegay Afhayeenka in xilkii agaasimaha Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Soomaaliya laga qaaday Mudane C/laahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) si ku-meel gaar ahna xilkaasi loogu dhiibay ku xigeenkiisa.

“Golaha Wasiirradu waxay xilkii ka qaadeen Agaasimihii Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Soomaaliya Mudane C/laahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe), waxana si KMG ah loogu dhiibay xilkaas inuu sii hayo ku xigeenka Hay’adda Nabadsugidda”

Mr Sanbaloolshe ayaa ka mid ah xubnaha aadka ugu dhow Madaxweynaha Soomaaliya oo bishii July uu magacaabay xilka Agaasimaha Sirdoonka iyo Nabadsugida Qaranka.

Lama oga waxaa uu ka yeeli doono Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamud oo aan la ogeysiinin talaabada ay qaadan Golaha Wasiirada.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!