Golaha Wasiirada Somalia oo meelmariyey miisaaniyad dhan $218 Milyan dollar * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Golaha Wasiirada Somalia oo meelmariyey miisaaniyad dhan $218 Milyan dollar

Muqdisho – Mareeg.com: Golaha Wasiirada ee xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulan gaar ah oo lagu soo bandhigayay Miisaaniyad sanadeedka 2014-2015, waxaana kulankan shir guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada, Cabdiweli SHeekh Axmed Maxamed.
Kulankan ayaa waxaa sidoo kale looga hadlay qodobo kale oo ay ka mid aheyd falkii lagu laayay- odayaasha dhaqanka ee nawaaxiga Buur-hakaba ee gobolka Bay.
Ugu horeyntii Agaasimaha Miisaaniyadda ee Wasaaradda Maaliyadda Axmed Cabdi Aadan (Iraad) ayaa sharaxaad dheer ka siiyay Golaha Wasiirada ee xukuumada qaabka qorsheedka Miisaaniyadda dawladda ee 2014-2015.
Dood dheer kadib, golaha Wasiirada ayaa mariyay Miisaaniyad sanadeedkan oo cadadkeedu dhan yahay $218 Milyan oo Dollarka Mareykanka ah, una badan filashada dakhliga gudaha ee dalka.
Miisaaniyaddan golaha Wasiiradu meel mariyeen ayaa la filayaa in loo gudbiyo golaha Baarlamaanka si ay uga doodaan kadibna u ansixiyaan.
Dhanka kale golaha Wasiirada ee xukuumada Federaalka ayaa cambaareyn u jeediyay falkii lagu laayay odayaasha dhaqanka ee lagu dilay nawaaxiga Buur-hakaba ee gobolka Bay, waxayna tacsi u direen qoysaska, qaraabada iyo shacabka Soomaaliyeed ee ay ka baxeen odayaashaasi.
Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Mareeg.com somalia, World News and Opinion.