Golaha Wasiirada Oo Soo Dhaweeyey Natiijada Shirweynihii Juba Oo Lagu Soo Afmeeray Muqdisho * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Golaha Wasiirada Oo Soo Dhaweeyey Natiijada Shirweynihii Juba Oo Lagu Soo Afmeeray Muqdisho

Muqdisho, November 7, 2013: Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii joogtada ahaa, waxaana kulankan shir guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid”, waxaana looga sugida amniga iyo natiijadii ka soo baxday shirka dib u heshiisiinta ee dadka Jubbooyinka.

Kulankan ayaa warbixino looga dhegeystay Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Cabdikariin Xuseen Guleed iyo Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Cabdixakiin Maxamuud Xaaji Faqi, waxayna ka warbixiyeen xaaladda amniga dalka.

Wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka mudane C/kariim Xuseen Guuleed ayaa ka warbixiyay howlgalo ay todobaadyadii ugu dambeeyay ay ka sameeyeen gudaha magaalada Muqdisho iyo sidoo kale howlgalo si gaar ah loogu baacsanayay kooxo xiran dareyska ciidanka oo jidgooyo u dhigta gaadiidka isaga kala goosha Muqdisho iyo Afgooye, waxaana ciidamo gaar ah oo loogu talgalay la dagaalanka kooxahaasi burcadda ah ay gacanta ku soo dhigeen tiro kooxahaasi ka tirsan.

Sidoo kale, Wasiirka ayaa ka hadlay howlgalo ay ka sameeyeen gudaha magaalada Muqdisho kuwaasoo ay ku soo qabqabteen kooxo ka tirsan nabadiidka oo ku howlanaa falal lagu waxyeeleynayo amniga shacabka.

Dhanka kale, golaha Wasiirada ayaa si buuxda u soo dhaweeyey go’aanada iyo gebi ahaanba natiijadii ka soo baxday shirka dib u heshiisiinta ee dadka Jubbooyinka, waxayna xuseen in shirkani uu noqon doono mid horseeda nabad ku wada noolaanshiyaha dadka Jubbooyinka iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada ayaa golaha Wasiirada ka dalbaday in wasaaraddaha dawladda ay ka shaqeeyaan sidii loo gaarsiin lahaa degaanadaasi Jubba adeegyada dadweynaha iyo mashaariicda horumarineed, maadaama degaanadaasi ay ka jiraan baahi dhanka horumarinta waxbarashada, caafimaadka iyo adeegyada kale ee bulshada.

—DHAMAAD—

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!