Golaha Wasiirada oo si rasmi ah u shaaciyey magaca Taliyaha Nabad Sugidda

Mareeg.com: Shalay waxey Shabakadda Mareeg Media qortay in Col. C/raxmaan Maxamed Tuuryare loo magacaabay inuu noqdo Agaasimaha Hay’adda Nabad Sugidda Soomaaliya, kadib markii shalay si rasmi ah madaxweyne Xasan Sheekh xilkaas uga qaaday C/laahi Maxamed Cali Sanbaloolshe.

Haddaba shir aan caadi aheyn oo ay maanta Golaha Wasiirada Soomaaliya ku yeesheen Muqdisho, ayaa si rasmi ah loogu shaaciyey in Col. C/raxmaan Maxamed Tuuryare yahay Taliyaha Hay’adda Nabad Sugidda Soomaaliya.

Warsaxaafadeed

Ra’iisul Wasaare-ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Ridwaan Xirsi Maxamed ayaa maanta shir-guddoomiyey kulan aan caadi ahayn oo uu yeeshay Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaliya.

Kulankan oo looga dooday arrimo dhawr oo ay ka mid yihiin ammaanka qaranka iyo Hindise-sharciyadeedka Biyaha, ayaa waxaa ugu danbayntii lagu magcaabay Taliyaha Ciidanka Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka.

Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa xilka Taliyaha Ciidanka Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka u magcaabay Cabdiraxmaan Maxamed Tuuryare.

Wasiir-ku-xigeenka War-faafinta Xukuumadda Soomaliya Cabdulaahi Colaad Rooble ayaa ka dib markii uu soo dhammaaday shirka Golaha Wasiirada waxa uu la hadlay saxaafadda, isagoo sheegay in Goluhu isku raacay magcaabidda Taliyaha Ciidanka Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka.

Wasiirku isagoo hadlaya, waxa uu yiri:

“Golaha Wasiiradu waxa ay sidii caadada ahayd ka hadleen xaaladda ammaanka, iyadoo war-bixinno laga dhegaystay Wasaaradda Ammaanka Qaranka. Golahu waxa uu sidoo kale isku raacay magcaabidada Taliyaha Ciidanka Nabad-sugidda iy Sirdoonka Qaranka oo loo magcaabay Cabdiraxmaan Maxamed Tuuryare.

“Waxaa xusid mudan in magacii Agaasimaha Hay’adda meesha laga saaray oo lagu beddelay Taliyaha Ciidanka Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka, magacaasi ayaana loogu yeeri doonaa. Goluhu waxa uu u rajaynayaa taliyaha cusub in uu shaqadiisa u guto si hufan oo daacadnimo iyo waddaniyadi ku jirto.

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245