Golaha Wasiirada Oo Ansixiyey Heshiis Shirkad Turki Ah Ku Maamuleyso Dekedda Muqdisho * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Golaha Wasiirada Oo Ansixiyey Heshiis Shirkad Turki Ah Ku Maamuleyso Dekedda Muqdisho

Muqdisho – Mareeg.com: Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan aan caadi ahayn ay ku yeesheen xaruntooda Muqdisho waxaa looga dooday kordhinta Miisaaniyadda sanadaka 2014-ka.

Sidoo kale, wasiirada ayaa ka dooday heshiis dhowaan dhex maray wasaaradda howlaha guud iyo gaadiidka badda iyo Shirkad laga leeyahay dalka Turkiga oo lagu magacaabo Al-Bayrak taasoo la wareegi doonta maamulka iyo horumarinta howlaha dakadda weyn ee Muqdisho.

Kulankan oo uu shir guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon “Sacaaid” ayaa waxaa ugu horeyntii diiradda lagu saaray kordhinta Miisaaniyadda dawladda ee sanadka 2014-ka, waxayna Golaha Wasiiradu falanqeyn dheer kadib isla garteen in la kordhiyo Miisaaniyadda, maadaama la filayo inay kordhaan waxqabadka hay’addaha dawladda, gaar ahaana Wasaaraddaha iyadoo dhowaan shirkii caalamiga ahaa ee Brussels oo loogu yaboohay Soomaaliya dhaqaale aad u badan oo lagu dhisayo dalka .

Sidoo kale, kulankan gaarka ah ayay Golaha Wasiiradu dood dheer kadib ay si buuxda u ansixiyeen heshiis dhex maray bishan October 24-keedii Wasaaradda howlaha guud iyo gaadiidka badda iyo shirkad Turki ah oo lagu magacaabo Al Bayrak, taasoo maamuli doonta muddo 20 sano ah howlaha dakadda, iyadoo shirkaddu ay dayactir, qalabeyn, iyo casriyeyn-ba ku sameyn doonto dakadda Muqdisho.

Afhayeenka Xukuumada Ridwaan Xaaji Cabdiwali oo shirka golaha kadib warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in adeegyada ay dakaddu qabato, marka laga tago Canshuuraha, ay ka soo xaroodaan lacag dhan $200,000-$300,000 (Labo boqol illaa saddex boqol oo kun), lana rajeynayo in marka ay shirkaddani la wareegto maamulka dakadda ay gaarsiin doonto $6.5 Milyan oo Dollar iyadoo muhimad gaar ah la siinayo in la kordhiyo dakhliga dawladda Soomaaliya.

Dhanka kale, Afhayeenka Xukuumada ayaa sheegay in golaha Wasiiradu ay tacsi u diray allaha u naxariistee wariye Maxamed Maxamuud “Timacadde” oo u geeriyooday dhaawacii dhowaan ay u geysteen kooxo dhagar qabayaal ah, waxayna tacsi u direen qoyskii, Qaraabadii iyo bahda warfaafinta Soomaaliyeed. Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay in aanay marna u dulqaadan doonin xadgudubyada noocan oo kale ah ee lagu weerarayo wariyayaasha Soomaaliyeed.

Mareeg.com

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!