Golaha Wasiirada Maamulka Puntland Oo Kalsoonida Lagala Laabtay
Xildhibaanada Baarlamaanka maamul Goboleedka Puntland ayaa goordhow riday Golaha Wasiirada maamulkaasi kadib markii codka kalsoonida ay kala laabteen.
Xildhibaanada kalsoonida kala laabtay Golaha Wasiirada maamulka Puntland ayaa waxa ay gaarayaan 47 Xildhibaan kuwaasoo dhamaantood gacan ugu codeeyey in la rido Golaha Wasiirada Puntland.
Golaha Wasiirada Puntland ayaa lagu eedeeyay inay ku fashilmeen dhawr qodob oo ay ka mid yihiin bixinta dhaqaalaha Amniga , Daryeelka Ciidamada iyo Qorshe la’aan ka jirta xaalada Amaanka.
Hogaamiyaha maamulka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa waxa uu haystaan muddo 21 cisho ah inuu kusoo Magacaabo Gole Wasiiro cusub sida uu qabo Dastuurku.
Comments are closed.