Golaha Wasiirada Hirshabeelle uu haatan shir deg deg ah uga socdo magaalada Jowhar

Read Time:41 Second

Wararka ka imaanaya magaalada Jowhar ayaa sheegaya in Golaha Wasiirada Hirshabeelle uu haatan shir deg deg ah uga socdo magaalada Jowhar.

Shirkan ayaa waxaa shir guddoominaya Sii hayaha xilka Madaxweynaha ahna Madaxweyne kuxigeenka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen, iyadoo looga hadlayo xaaladihii u dambeeyay ee gobolka iyo xil ka qaadistii Madaxweynaha ee Baarlamaanka ku sameeyay.

Kulankan ayaa sidoo kale looga hadlayaa xiisada siyaasadeed ee ka taagan maamulka, iyo sidii Wasiirada ay shaqadooda u sii wadan lahaayeen, isla markaana aysan saameyn ugu yeelan laheyn.

Sidoo kale waxaa shirka looga hadlayaa arrimaha amniga iyo sida loogu gudbi karo xaalada kala guurka ah ee uu galay Maamulka, iyadoo loo diyaar garoobayo doorashada Madaxweynaha.

Dhinaca kale Wafdi ka socda dowladda Federaalka iyo Qaramada Midoobey ayaa ku wajahan magaalada Jowhar, wararka qaar ayaa sheegaya in socdaalkooda la xiriira xiisada siyaasadeed ee ka jira Gobolka.

About Post Author

A warsame

Published by A Warsame is senior Editor and managing Director of Mareeg Media Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 0 %
Sad
Sad
0 0 %
Excited
Excited
0 0 %
Sleepy
Sleepy
0 0 %
Angry
Angry
0 0 %
Surprise
Surprise
0 0 %