
Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa waxaa lagu wadaa in uu maalmaha soo socda uu isku shaandheyn ku sameeyo golihiisa Wasaarida,sida aan warar ku helnay.
Waare ayaa waxa uu wadaa qorshihii ugu dambeeyay oo isugu shaandheynayo golaha wasiirada Hirshabeelle,iyadoo maalihii la soo dhaafay uu jiray olole ka dhan ah Madaxweynaha,isla markaana ay wadaan Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Hirshabeelle.
Xildhibaanada ololaha ka dhanka ah Waare wada ayaa waxa ay aad u dhaliilsan yihiin howlaha shaqo ee uu wado Madaxweynah ,kuwaasi oo doonaya in ay xilka ka qaadan Maxamed Cabdi Waare.
Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa qorshaha uu isku Shaandheynta ugu sameeyano golaha wasiirada ayaa waxa ay tahay si uu culeyska siyaasadeed ee saaran isaga yareeyo,isagona diyaariyay warqada Isku Shaandheynta golaha Wasiirada oo ay qaarkood ay mid yihiin xildhibaanada Hirshabeelle.
Dhinaca waxaa la sheegayaa in odoyaasha dhaqanka ay ka soo horjeedaan Isku-Shaandheynta lagu sameyn doono Golaha Wasiirada dowlad goboleedka Hirshabeelle.