Golaha Wakiillada Puntland Oo Ansixiyey Golaha Wasiirada Cusub Ee Maamulka * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Golaha Wakiillada Puntland Oo Ansixiyey Golaha Wasiirada Cusub Ee Maamulka

Garowe – Mareeg.com: Baarlamaanka Puntland ayaa maanta cod buuxa ku ansixiyey Golaha Wasiirada ee uu soo magacaabay Madaxweyne Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Kalfadhiga Baarlamaanka ayaa waxaa maanta furay Guddoomiyaha Baarlamaanka Siciid Xassan Shire, isagoo ka hor akhriyey baarlamaanka ajendaha maanta oo ah inay dhageystaan qorshaha xukuumada cusub ee uu soo dhisay Madaxweyne Gaas iyo cod u qaadista ansixinta Golaha Wasiirada.

Guddoomiyaha golaha wakiillada Puntland, Siciid Xasan Shire oo shir guddoominayey kulanka maanta ayaa sheegay in kulanka ay soo xaadireen 56 xildhibaan, kuwaas dhammaantood codka kalsoonida siiyey xukuumadda, sidaas daraadeedna ay ansax tahay oo ay shaqayn karto xukuumaddu.

Waxaa Kalfadhiga khudbad dhinacyo badan taabatay kasoo jeediyey Madaxweyne Cabdiweli Gaas oo ka hadlay qorshaha xukuumadiisa iyo waliba habkii uu kasoo xulay.

Madaxweyne Dr. Cabdiweli ayaa baarlamanka u akhriyey waxqabadka ay hiigsanayso xukuumadiisa iyo himilooyinkeeda, wuxuu ku celceliyey inay ka dhabayn doonaan fulinta balanqaadkoodii ahaa wax qabad iyo horumar la taaban karo.

Madaxweynaha Puntland ayaa ku tilmaamay Golaha Wasiirada ee uu soo dhisay kuwo lagu kalsoon yahay inay si hufan uga soo baxaan xilka loo igmaday. Madaxweyne Gaas ayaa khudbadiisa kusoo qaatay qorshihiisa ku aadan Xoojinta Amaanka Puntland, Dib usoo celinta deegaanada Maqan, Kobcinta Dhaqaalaha Puntland iyo barnaamijyada horumarinta dalka.

Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed oo hadal ka jeediyey munaasabada ayaa u mahadceliyey wakiilada sida wanaagsan ee ay kalsoonida u siiyeen xukuumadiisa, wuxuu baarlamanka ka dalbaday kor hor ansixinta inay codka siiyaan.

“Ma dhacayso in midnimo dhamaystirsan la helo iyadoo aan dhulka oo dhan gacanta ugu jirin dowladda, hadaba si aynu u soo celino dhulka maqan waxaa lagama maarmaan ah inaan isku duubnaano.” Ayuu yiri Madaxweyne Gaas oo sheegayey ajandaha xukuumadiisa. Madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo soo xirey kulanka ayaa u mahadceliyay mudanayaasha Barlamaanka sida sharafta leh ee ay u ansixiyeen xubnaha Xukuumadda.

“Sharaf wayn bay ii tahay qadarin iyo maamuus aan la soo koobi karin inaad ansixiseen golaha wasiradd, kuna soo xulnay intaanu karnay si caddaalad ah’’ ayuu yiri Madaxweynuhu oo raaciyay inuu bilaabmay wakhtigii la xisaabtanka iyo shaqada.

Golaha wasiirrada maamulka Puntland oo ka kooban 47 xubnood ayaa la magacaabay dabayaaqadii bishii tagtay ee sanadkan.

Mareeg.com

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!