Golaha Wakiilada Somaliland oo isku sidkay doorashada madaxweynaha & wakiilada * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Golaha Wakiilada Somaliland oo isku sidkay doorashada madaxweynaha & wakiilada

Mareeg.com: Golaha Wakiilada Maamulka Somaliland ayaa manta isku raacay in labada doorasho ee Madaxtooyada iyo Wakiilada hal mar la wada qabto, waxaana sidoo kale goluhu ogolaaday Xeerka diwaangalinta Maddaniga ah iyo codbixinta.

Golaha oo ay saaka fadhiyeen 66 Mudane waxaa mooshinka ah in doorashada Wakiilada iyo Madaxtooyada mar la wada qabto ogolaaday 64 mudane, halka hal mudane diiday, gudoomiyuhuna uusan codeyn. Ila tirade 64-ka ayaa ogolaatay Xeerka diwaangalinta Madaniga ah iyo Diwaangalinta Codbixinta.

Gudoomiye Cabdiraxmaan Cirro, oo warbaahinta la hadlay kadib go;aanka Golaha wayaa sheegay iney arrintaas u yeeleen iney yareeyaan dhaqaalaha ku baxa doorashada, maadaama Somaliland aysan heysan dhaqaale badan.

Mooshinkan ku aadan in doorashada Madaxweynaha iyo tan wakiilada mar la wada qabto, ayaa u muuqda inuu jawaab u yahay hadal hayn ah in sanadka 2015-ka la qabto doorashada wakiilada, dibna loo dhigo tan madaxweynaha.

Ma cadda jawaabta madaxweyne Siilaanyo ka bixin doono go;aankaas, iyadoo gudoomiyaha golaha wakiilada C/raxmaan Cirro sheegay in goluhuu uusan xukuumadda iyo madaxweynaha kala tashan go’aanka uu manta gaaray.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!