Golaha Wakiilada Puntland Oo Doortay Ku Xigeenka Koowaad Ee Afhayeenka * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Golaha Wakiilada Puntland Oo Doortay Ku Xigeenka Koowaad Ee Afhayeenka

Garowe, Mareeg.com: Golaha Wakiilada ee Puntland ayaan maanta doortay gudoomiye ku xigeenka 1-aad ee golaha Wakiilada, iyagoo ila maanta doortay gudoomiyaha Golahaas, oo loo doortay Siciid Xasan Shire.

Xildhinaabana kursigaas ku tartamay ayaa kala ahaa:
1. Salaad Xareed Ismaaciil
2. Cabdixamiid Shiikh Cabdisalaan Ciise
3. Cabdicasiis Siciid Gacamey
4. Cabdirisaaq Siciid Adam

Cod bixinta ayaa salaada casar lasoo gebagbeeyey, iyadoo uu xilkaas ku guuleystay xildhibaan lagu magacaabo Cabdixamiid Shiikh Cabdisalaan Ciise.

Doorashadan ayaa ka duweneyd tii hore waxaana ay martey hal wareeg keliya, waxaana xildhibaan Cabdixamiid Shiikh Cabdisalaan Ciise wareegii u horeeyeyba heley 40, taas oo ka dhigeysa mid ku filan maadaama qofka ugu soo dhaw uu noqdey Salaad Xareed oo heley 12 cod.

Xildhibaan Col. Cabdicasiis Siciid Gacamey ayaa helay 9 cod, halka xildhibaan Cabdirisaaq Siciid Adam uu helay 4 cod.

Waxaa xusid Mudan in booskan guddoomiye kuxigeenka kowaad ee baarlamaanka uu 15 sano ee la soo dhaafey uu ahaa Salaad Xareed Ismaaciil, waxaana doorashada Cabdixamiid ay ka dhigeysaa weji cusub in uu galay Baarlamaanku.

Mareeg.com

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!