Golaha Wakiilada Puntlad Oo Doortay Afhayeen Cusub * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Golaha Wakiilada Puntlad Oo Doortay Afhayeen Cusub

Garowe, Mareeg.com: Golaha Wakiilada maamulka Puntland ayaa maanta oo Sabti ah u doortay Siciid Xasan Shire afhayeenka cusub ee golahaas.

Doorashada oo ka dhacday aqalka golaha wakiillada Puntland ayaa ahayd mid si adag loogu tartamay oo gaartay ilaa saddex wareeg.

Siciid Xasan Shire ayaa wareegga saddexaad uga guulaystay afhayeenkii hore ee baarlamaanka Puntland Cabdirashiid Maxamed Xirsi, isagoo helay 40 cod, halka Cabdirashiid uu helay 26 cod.

Afhayeenka cusub ee baarlamaanka Puntland ayaa ka soo jeeda gobolka Sanaag, wuxuuna horey u noqday wasiirkii hore ee xannaanada xoolaha ee xukuumaddii uu madaxweynaha ka ahaa Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Maxamuud Faroole.

Baarlamaanka ayaa lagu wadaa inuu isla maanta doorto guddoomiye ku xigeenka koowaad iyo kan labaad ee guddoonka baarlamaanka.

“Waxaan doonayaa in la ila shaqeeyo oo aad ii soo duceysaan, anigu hanbalyo uma baahni” ayuu ku yiri Saciid Shire khudbad kooban oo uu Xildhibaanada u jeediyey.

Gudoomiyaha cusub ee Golaha Wakiilada Puntland, Siciid Xasan Shire ayaa ah siyaasi ruug cadaa ah muddo dheerna ku soo jirey Siyaasadda Soomaaliya, Sanadkii 2000 ayuu ka mid noqdey Baarlamaankii lagu soo dhisey Tuulada Carta ee dalka Jabuuti.

Sidoo kale waxa uu mar labaad noqdey Xildhibaan Dowladda Federaalka ahayd ee lagu soo dhisey dalka Kenya 2004, waxaana Xukuumaddihii Cali Maxamed Geedi iyo Nuur Cadde uu ka noqdey Wasiir iyo Wasiir kuxigeen.

Siciid Xasan Shire ayaa iska casiley Xildhibaanimadii Dowladda federaalka sanadkii 2010, waxaana u dib ugu soo noqdey Puntland, wuxuuna hadda baarlamaanka Puntland kazoo galay gobolka Sanaag.

Siciid Xasan Shire ayaa mar kale ka soo muuqdey Siyaasadda waxaana Madaxweyne Faroole u magacaabey Wasiirka Xanaanada Xoolaha ee Puntland, xilkaas oo uu hayey tan iyo hadda oo loo doortey afhayeenka Baarlamaanka Puntland.

Mareeg.com

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!