Golaha Shacabka oo maanta kulan yeelanaya
Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo Isniin ah la filayaa in kulankoodii caadiga ahaa ay ku yeeshaan Xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho.
Kulankan ayaa waxa uga doodi doonaan Xildhibaanada dib u eegista xeer hoosaadka Golaha Shacabka,kaas oo weli doodiisu ay socoto.
Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa xalay lagu wargeliyay in uu jiro maanta kulanka Baarlamaanka.
Xarunta Golaha Shacabka ayaa saakay waxaa ka socda diyaar garoow ku aadan kulanka Baarlamaanka oo saacadaha soo socda ka furmi doono Muqdisho,iyadoo amniga si weyn loo adkeeyay.
Comments are closed.