Golaha Shacabka oo maanta kulan ku leh Muqdisho
Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa waxa ay kulan ku yeelan doonan Xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho.
Xildhibaanada ayaa kulankoodii caadiga ahaa maanta oo Sabti ah taariikhdu ku began tahay 22-ka bisha September 2018 isugu imaan doona,iyagoona ka hadli doona Ajandayaal badan.
Kulankan Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa waxa ay kaga hadli doonaan dib u eegista xeer hoosaadka Golaha Shacabka.
Waxaa lagu wadaa in saacadaha soo socda uu kulankan ka furmo Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya,waxaana soo xaadiri doona inta badan Xildhibaanada Baarlamaanka .
Ciidamada amniga dowlada federaalka Soomaaliya ayaa saakay waxa ay xireen Wadooyinka soo gala iyo kuwa kabaxa Xarunta Golaha Shacabka ee Muqdisho,iyadoona amniga aad loo adkeeyay.
Comments are closed.