Golaha Shacabka oo maalintii 2aad ka dooday Sharciga Doorashooyinka+Sawirro * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Golaha Shacabka oo maalintii 2aad ka dooday Sharciga Doorashooyinka+Sawirro

Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Somaliya ayaa waxay maalintii labaad ka doodeen Sharciga Doorashooyinka Qaranka, oo ay soo diyaariyeen Guddiga Baarlamaanka ee Doorashooyinka.

Ajandaha kulanka ayaa ahaa ayaa waxaa ku jiray sii wadida doodda akhrinta 2aad ee Sharciga Doorashooyinka Qaranka, u codaynta heshiisyada kala ah A: Heshiiska Ilaalinta Hidda Dhaqameedka aan la taaban karin B: Heshiiska khuseeya Ilaalinta Hiddaha Dhaqanka iyo Hiddaha Dabiiciga ah.

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa waxay dood adag ka yeesheen Sharciga Doorashooyinka Qaranka, xilli aanay weli kala cadayn nooca ay doorashooyinka noqon doonaan.

Beesha Caalamka ayaa waxay dadaal ugu jirtaa sidii Doorashooyinka Somaliya ay u noqon lahaayen qof iyo cod, inkastoo Xildhibaanada qaarkood ay aaminsan yihiin inaanay taasi xilligan suurtagal ahayn.

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa waxaa lagu wadaa in Sharciga Doorashooyinka Qaranka ay ansaxiyaan kulankooda xigga, ee lagu soo dari doono ajandaha waxyaabaha ay ka doodayaan.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Mareeg.com somalia, World News and Opinion.