Golaha Shacabka oo kulan ku leh Muqdisho
Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa waxa ay kulan ku yeelan doonaan Xarunta Golaha Shacabka ee Muqdisho.
Kulanka Baarlamaanka ayaa waxaa looga hadi doonaa Ajendaha sii wadista dib u eegista xeer hoosaadka Golaha Shacabka Soomaaliya oo soo maray Akhrinta koowaad.
Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa lagu wadaa in Kulanka ay soo xadiran,waxaana Shir gudoomin doono Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan.
Xarunta Golaha Shacabka ayaa waxaa laga dareemayaa diyaar garowga kulanka,iyado amniga aad loo adkeeyay.
Comments are closed.