Golaha Shacabka oo ku leh Muqdisho, xili muddo xileedku dhammaaday * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Golaha Shacabka oo ku leh Muqdisho, xili muddo xileedku dhammaaday

Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka ee xil-gaarsiinta ah ayaa Maanta oo Isniin ah waxaa la filayaa in mid kamid kulamadoodii caadiga ahaa ay ku yeeshan Xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho.

Ajendaha kulanka Xildhibaanada ayaa waxaa uu yahay sida lagu shaaciyay Qoraal kasoo baxay Golaha shacabka, Akhrinta labaad ee Qoondada Miisaaniyadda dowladda Federaalka ee sanadka Cusub ee 2021.

Xildhibaanada Golaha Shacabka ee waqtigoodu dhammaaday ayaa xalay waxaa loo diray fariimo ku aadan in Maanta uu jiro kulan, isla markaana laga doonayo inay kasoo qeyb gaalan kulankaas, si loo dardar geliyo howlaha weli horyaalla Golaha.

Maalintii shalay aheyd ayuu dhammaday muddo xileedkii Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka, iyagoona xilka siheyn doona ilaa iyo inta laga soo dooranayo Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa horey u shaaciyay in Xildhibaanada ay sii shaqeyn doonaan ilaa inta laga soo dhaarinayo Xildhibaanada Cusub, xili uu weli khilaaf ka taagan yahay doorashada dalka ka dhaceysa.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Mareeg.com somalia, World News and Opinion.