Golaha Guurtida Somaliland oo guddi u saaray ka tala bixinta muddo kordhinta xukuumadda * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Golaha Guurtida Somaliland oo guddi u saaray ka tala bixinta muddo kordhinta xukuumadda

Mareeg.com: Fadhi ay magaalada Hargeysa ku yeesheen Golaha Guurtida Somaliland ayay mudaneyaashu iskula qaateen in guddi balaaran oo ka kooban 29 xubnood loo saaro ka talo bixinta Muddo kordhinta Xukuumadda ee hor taala Golaha Guurtida.

Gudoomiyaha Guurtida, Saleebaan Maxamuud Aadan, oo fadhiga furay ayaa mudaneyaasha ku wargaliyay in shir gudoonku isla gartay in guddi loo saaro go’aanka goluhu ka qaadanayo Muddo kordhinta, iyadoo mudaneyaashuna ku taageereen.

Golaha Guurtida ayaa maanta laga filayay inay xilli kordhin u sameeyaan Xukuumadda Somaliland, balse waxey sheegeen iney bixiyeen guddi talabixin.

“Fadhi uu yeeshay Sihr-guddoonka Golah Guurtiddu 30/04/2015 kagana hadlay  xubnihii loo magacaabi laha Guddi ahaan Muddo kordhinta Xukuumadda ee Golah hortaal, si ay Golahu ugu soo jeediyaan tallo ahaan waqtiga ku habboon ee laga dhigi karo Muddo kordhintaasi, ka dibna  u Goluhu ku Go`aan qaadan-doono, ayaa lagu magacaabay Xubnahani” ayuu yiri gudoomiyaha golaha, Saleebaan Maxamuud.

Guddida doorashooyinka Somaliland ayaa bishii hore ee April si rasmi ah u sheegay inay dib u dhacday wakhtigii ay qabsoomi lahaayeen doorashooyinka madaxtooyada iyo golaha wakiillada.

Guddiga ayaa sheegtay in muddada ay ku qabsoomi karaan ay yihiin 1da bisha June ee sannadka dambe 2016.

Xisbiyada mucaaradka iyo dadweynaha intooda badan ayaa walaac weyn ka qaba in golaha Guurtiddu kordhinayo wakhti ka badan inta guddida Doorashooyinku soo jeediyeen. 

Haddaba maadaama loo baahday in xukuumadda haatan jirta ee uu hogaamiyo madaxweyne Siilaanyo waqtiga loo kordhiyo ayaa Golaha Guurtida Somaliland saareen guddi arrintaas kasoo talabixiya oo ka kooban xubnahan:-

1. Sulaymaan Maxamuud Aadan,  Guddoomiyaha Golaha.
2. Siciid Jamac Cali,   Gudd ku-xigeenka 1aad ee Golaha.
3. C/raxmaan Sheekh Yuusuf Sh.  Gudd ku-xigeenka 2aad ee Golaha.
4. Muxumed Aw Axmed Xaaji Aadan          Xubin.
5. Xaaji Cabdi Xuseen Yuusuf                   Xubin.
6. C/qaadir Maxamed Xasan                     Xubin .
7. Siciid Xuseen Huruuse                         Xubin.
8. Mamduux Cusmaan Sheekh                 Xubin
9. C/qaadir Aw Xuseen Mire                     Xubin
10. Xasan Sh. Axamed Sh. Nuux                Xubin
11. Cabdi C/laahi Xasan                           Xubin
12. Siciid C/laahi Yaasir                           Xubin
13.Axmed Daahir Maxamuud                   Xubin
14. Cawil Xuseen Axmed                          Xubin
15. Farxaan Ciise Ubaxle                          Xubin
16. Cawil C/laahi Caydiid                         Xubin
17. Axmed Nuur Aw Cali Aadan                Xubin
18.Sul  Isamaacil Sul.C/raxman               Xubin
19. C/raxmaan Qawdhan Muxumed          Xubin
20. Xuseen Madar Xoosh                          Xubin
21. Caydiid Cabdi Maxamed                      Xubin
22. Nuur Rayaale Khayre                          Xubin
23. Xasan Cumar Axmed                          Xubin
24. Dayib Xasan Axmed Faarax                 Xubin
25. Maxamed Jamac Abokor                     Xubin
26. Xirsi Ciise Jaamac                              Xubin
27. C/raxmaan Axmed Araaye                  Xubin
28. Maxamed Shire Faarax                       Xubin
29. C/laahi Ibraahim Habane        Xoghayaha Golaha –  Xoghayn

 

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!