Golaha Cusub Ee Wakiilada Puntland Oo Iska Dhex Doortay Gudoomiye KMG Ah

Read Time:32 Second

Garowe, Mareeg.com: Golaha cusub Wakiilada ee Puntland oo maanta si rasmi ah xilka loogu dhaariyey ayaa doortey Guddoomiye kumeel gaar ah oo agaasima shirarka inta ay ka dooranayaan gudoomiye rasmi ah iyo ku xigeenadiida.

Golaha ayaa iska dhex doortay Xildhibaan Cali Axmed Cismaan, kaasoo noqnaya afhayeenka KMG ah ee golaha Wakiillada, waxaana xildhibaankaan lagu doortay inuu yahay xildhibaanka ugu da’ada weyn dhamaan xubnaha Golaha Wakiilada.

Xildhibaan Cali Axmed ayaa ka tirsanaa Xildhibaanadii hore, waxaana uu ka soo galay gobolka Sool, waxaana la filayaa in 48-saac ee soo socta Golaha Wakiiladu ay soo dhamstiraan hawshooda, doortaana Shirguddoon, iyo guddiga kumeelgaarka ah ee doorashooyinka.

Mareeg.com

About Post Author

A warsame

Published by A Warsame is senior Editor and managing Director of Mareeg Media Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.